Xog: DF oo heshay kana jawaabtay amar Al-Shabaab ay dul-dhigeen culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay tilmaameyso xog ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda Al-Shabaab ayaa amar dul dhigtay qaar ka mid ah culimada ku nool magaalada Muqdisho.

Amarkaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ugu socodsiiyeen Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda magaalada Muqdisho.

Inkastoo xogtan aysan cadeyneyn waxa laga rabo culumadaan, hadana waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay u yeereen tobanaan culumo ah oo Imaam, Khadiibyo iyo Mu’adimiin ka ah inta badan Masaajidda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka oo heshay xogtaan sheegeysa in Al-Shabaab ay u yeereen culumada masaajidda Muqdisho ayaa soo saartay amarro digniin ah oo ku socda culumada.

Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku cadeysay in Imaamyada, mu’adimiinta iyo khadhiibyada masaajidda ay uga digayso inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay, sida go’aankii shirweynaha culumada Soomaaliyeed, ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadhiibyada, mu’adimiinta iyo imaamyada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo ama ay cadaadis ku heyso kooxdu oo qorsheynaya inuu u tago.

Seddax qodob ee amarka wasaaradda ayaa u dhignaa sidaan:

1 – In habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

Horay Al-Shabaab waxay ugu yeeri jireen ganacsatada iyo qof kasta oo looga dacwoodo, balse hadda ma cadda sababta ay ugu yeerayaan culumada maamusha masaajidda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar is khilaafsan ayaan ka heleynaa goobaha lagu balamiyey culimadaan, in kastoo ay sirtu baxday oo dowladdu ay il-gaar ah ku heysto cidii u hoggaansanta amarrada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-Shabaab ku qaaday dagaal seddax jiho ah oo diinta, dhaqaalaha iyo furimaha ah, waxayna qaaday tallaabooyin waaweyn.

Dhanka diinta dowladdu waxay ku guuleysatay inay Muqdisho isugu keento culumada Soomaaliyeed oo dhan, kadibna fatwo laga saaro oo la baneysto dhiig iyo maalka Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka dhaqaalaha dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto akoonnadii oo lacagahooda ay ka xayirto hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, sidoo kale ay daba-gasho cid kasta oo canshuur siisa.

Dagaalka toos ka ah: dowladda ayaa guulo muuqda ka soo hoysay furimaha dagaalka, iyadoo bilo kooban gudahood kooxda looga sifeeyey dhul baaxad leh.