Golaha Wasiirada DF oo qorsheynaya go’aan culus oo la xiriira kiiskii Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay Maanta isugu yimaadaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay kiiska Qalbi Dhagax iyo ONLF.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aan ku saabsan in laga laabtay go’aankii ay xukuumadda Kheyre liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa raali gelin buuxda siin doona Qalbi Dhagax oo si sharci darro ah dalka looga dhoofiyey isla markaasna loo gacan geliyey Dowladda Itoobiya, inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Rooble ay baal dahab ah ka geli doonto Soomaaliya haddii ay saxdo qaladkii ay ku kacday xukuumaddii ka horeysay ee Ra’isulwasaare Kheyre.

“Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka furayaan halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigayaa qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay Facebook.

“25 August maalintii Qalbi dhagax amarka Farmaajo looga dhoofiyey garoonka Muqdisho iyo 06 September maalintii xukuumaddii Khayre ay sharciyaysay dhiibista Qalbi dhagax iyo liiska argagixisada in lagu daro ururkiisii ONLF waxay ahaayeen maalmo madow oo dawladnimada Soomaaliya iyo sharciga dalkaba meel looga dhacay, gefna laga galay halgankii ay u taagnaayeen Ururka ONLF.”

Fiqi ayaa intaas ku daray “Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa.”