Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo iyo Xisaabiyaha Guud + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayadoo inta badan ay goobjoog ahaayeen golaha wasiiradu.

Golaha wasiirada ayaa shirkood ku ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo sidoo kale heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku meel-mariyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas, kadib soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Anas ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah, isla-markaana khibrad fog u leh dhanka maamulka iyo maaliyadda, kaas oo helay kalsoonida golaha wasiirada oo maanta la horgeeyay.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa maanta shirkooda Khamiislaha ah ku ansixiyay heshiis Iskaashi maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiskan oo ah mid muhiim ah ayaa ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Dhanka kale, wasaaradaha amniga gudaha iyo Glgaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Golaha ayaa sidoo kalw boggaadiyey guulaha ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen goobihii ugu dambeeyay ee  lagala wareegay Al-Shabaab.

Ugu dambeyn golaha wasiirada ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.