Turkiga oo ku xad-gudubay cunaqabateynta hubka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo warbixin cusub soo saartay ayaa ku eedeysay dowladda Turkiga inay ku xad-gudubtay cunaqabateynta hubka ee saaraan Soomaaliya, waxayna shaacisay inay ku ogaatay baaris ay sameeyeen khubaro ka tirsan QM oo loo xil-saaray arrintaasi.

Warbixintan ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay in baareyaasheeda ay ku ogaadeen in Turkiga uu Soomaaliya  geeyay diyaarado hubeysan oo aysan la socon UN-ka.

QM ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahaasi ay yihiin Drones-ka Bayraktar oo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabadan ay muujineyso in Turkiga uu si cad ugu xad-gudbay cunnaqabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgala xaaladda colaadeed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Ammaanka.

Waxa kale oo warbixintaan lagu sheegay in Turkiga uu magaalada Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyada oo lagu daabulay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

Sidoo kale, waxaa Turkiga lagu dhaliilay in xogta iyo dirista diyaaradaha uusan la wadaagin QM, kahor inta aysan ka howlgelin gudaha Soomaaliya, taas oo sii xoojisay eedeymaha culus ee loo jeedinayo Ankara.

Dhanka kale, dowladda Turkiga oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyntan ayaa iska fogeysay warbixinta Qaramada Midoobay, waxayna ku dooday in diyaaradaha ay geeyeen saldhiggooda magaalada Muqdisho uu ujeedkoodu yahay inay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa horay dhankeeda horay u sheegay in saraakiil Soomaali ah oo tababar ku qaatay dalkaas loo gacan galiyay shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, taas oo liddi ku ah jawaabta xukuumadda Ankara oo iyadu sheegtay in diyaaradahaasi loogu talagalay in ay isticmaalaan ciidamada Turkiga ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh dowladda federaalka, waxayna tababar joogto ah siisaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka.