SOMALILAND oo BBC ka qaaday xayiraadii saarneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo horay deegaanadeeda uga mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa haatan ka laabatauy go’aankeedii hore, waxayna soo saartay war cusub, kadib wadahadallo dhex-maray labada dhinac.

Qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland, Suleymaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa waxaa lagu sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii uu dhexeeyay Somaliland & BBC.

Wasiir Koore ayaa shaaca ka qaaday in arrinta lagu xalliyay shirar ay labada dhinac ku yeesheen xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland, isla-markaana ay qayb ka aheyd wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulkaasi, kadibna lagu gaaray heshii rasmi ah.

Sidoo kale Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay qaaday xayiraada ay sanadkii hore 2022-kii ku soo rogtay BBC-da, isla-markaana maanta wixii ka dambeeya ay si rasmi ag uga howl-geli karto deegaanada maamulkaasi.

“Sidaas daraadeed waxa aan ku wargelinayaa in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2023 aan ka qaadnay xayiraadii ka saarneyd ka howlgelida gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Horay Somaliland ayaa BBC-da ugu eedeysay in ay ku xad-gudubtay Qaranimadeeda, ayna hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadeeda, taas oo keentay in ay gebi ahaan mamnuucdo.

Waxay sidoo kale Somaliland sheegtay in BBC ay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ee ka dhexeeyey reer Somaliland iyo BBC-da, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka sare ee BBC-da oo ku aadan warka cusub ee Somaliland iyo dib u fasixida Idaacaddooda.

Si kastaba, BBC-da oo ah warbaahin caalami ah ayaa marka ay ka hadleyo arrimaha Somaliland ugu yeerto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida, taas oo ay muuqato inay dhibsatay xukuumadda Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso Ictiraaf.