Daawo: Sheekh Cismaan Barre oo weerar ku qaaday guddoomiye CALI JAYTE

Beledweyne (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo is qab-qabsiga ka dhashay canshuuraha gobolkaas oo ay isku qabteen guddoomiye Cali Jayte iyo wasaaradda maaliyadda HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hiiraan ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday guddoomiye Cali Jayte, wuxuuna shaaciyay in maamulkiisa uu dhibaato ku hayo reer Hiiraan.

“Cali Jayte meesha boqortooyo ma’aha waxaan ku sheegay in markii saddexaad ay tahay oo la magacaabay, shacabka reer Hiiraan dhibaatada haysato waa maamul xumo oo maanta ugu weyn waana maamulka ka jira gobolkaasi,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka HirShabelle ay beddali karto Cali Jayte, isla-markaana uu u ogolaanayo Dastuurka iyo dowladnimada.

“HirShabelle waa State sharci ah oo dhisan inay qofka ay doonaan ku beddalaan inay maamulka hagaajiyaan waajib iyaga saaran waayay oo Dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhashay canshuurta gobolka Hiiraan oo ay  ku kala qaybsameen xubnaha maamulkka gobolkaasi, kadib markii ay wasaaradda maaliyadda maamulka HirShabelle amartay in si toos ah canshuurta loogu shubo qasnadeeda, si loo mideeyo canshuuraha.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shabellle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sharci darro tahay in guddoomiye gobol uu farageliyo canshuurta dadweynaha, sida uu ku dooday.

“Waa sharci darro in guddoomiye gobol uu canshuur faraha la galo waxaa la rabaa haddii ay dowlad dhisan tahay wasiirka maaliyadda ayaa iska leh iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inay qaadaan,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri siyaasiga Sheekh Cismaan Barre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel sare gaaray khilaafka ka dhashay canshuurta ee u dhexeeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo saameeyay wada shaqeyntooda.