Xaalad caafimaad oo lasoo daristay madaxweyne Erdogan

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May.

“Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta twitter-ka.

“Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun.

Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista.

Waxaa lagu waday inuu xariga ka jiro furitaanka warshadda Nukliyeerka ee Akkuyu ee gobolka Koonfureed ee Mersin.

Furitaanka warshadda oo ay dhiseen Ruushka, ayaa lagu waday inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, sida ay muujiyeen codadka ra’yiga dadweynaha.

Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda.

Erdogan ayaa wajahaya loolan adag oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka ee calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu, kaasi oo matalaya isbaheysi ay ku midoobeen xisbiyada mucaaradka.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa rajadiisa wiiqay xasarado dhaqaale iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay dhul-gariir dalkaas ku dhuftay bishii Febraayo, oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.

AFP, VOA