Shacabka XAMAR oo ‘kasoo baxay godkii cabsida’ iyo kaalintooda isbadalka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka degan magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inay markii ugu horeysay bilaabeen inay laamaha amniga kala shaqeeyaan xasilinta magaalada.

Iyada oo Muqdisho laga dareemayo inay amni ahaan kasoo reynayso sidii hore ayaa dhinacyada aan la xusin ee arrintaan qeybta weyn ka qaatay waxa kamid ah shacabka reer Muqdisho.

Dadweynaha ayaa bilaabay inay toos ula wadaagaan laamaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida, dadka laga shakiyo, guryaha lagu tuhmo inay Al-Shabaab hubka dhigtaan, xogaha gaadiidka ay kooxdu adeegsato, akhbaarta ganacsatada lacagaha u haya ama siiya kooxda iyo xogo kale, taas oo la sheegay inay wax weyn ka tartay dadaalka ay laamaha amniga ugu jiraan inay caasimadda xasiliyaan.

Muddo fog shacabka magaalada Muqdisho waa ku adkeyd inay xog siiyaan laamaha amniga, gaar ahaan cidda sirta ku shaqada leh, sababtana waxaa loo arkayay kalsooni darro ay dadweynaha ka qabeen in xogtooda kusoo laabato kadibna ay dhibaato kala kulmaan kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab.

Isbadal ayaa shacabka ku dhacay, xogo joogto ah ayay hadda siiyaan laamaha amniga, waxay aamineen inay xogtooda ku soo noqon doonin oo lagu dhibaateyn doonin. Wuxuu ahaa door weyn oo ka maqna laamaha amniga.

Tan iyo markii la helay garabka shacabka wax badan oo isbadal ah ayaa muuqda ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha xukuma amniga magaalada Muqdisho oo noo xaqiijiyay in garabka shacabka uu wax badan ka taray xaalka magaalada.

Marwalba oo ay xoogeysato wada-shaqeynta dadweynaha iyo ciidanka dowladda waxaa la aaminsan yahay inay adkaan doonto in Al-Shabaab ay kusii dhex dhuumato magaalada Muqdisho iyo deegaanada kaleba.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sida muuqata tamar badan galineysa amaanka caasimada waxaa looga baahan yahay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhawaan-galka ah ee shacabka iyo laamaha amniga, si loo helo caasimad ka caagan Al-Shabaab.

Khasaarihii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa si weyn loo dhimay bilihii u dambeeyay, dhowr arrimood ayaa loo tirinaya sababta isbadalkan.

Waxaa maalmahan marba dhinac ka eegi doona sababaha keenay isbadalka amni ee magaalada Muqdisho.