55 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Liibiya

Tripoli (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraaad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub, taas oo ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan illaa 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka.

Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub.

Hay’adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maalinimadii Salaasada. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga. Illaa hadda xog badan lagama hayo sababta keentay inay doontani degto.

Safa Msehli oo ah afhayeen u hadashay IOM ayaa sheegtay in doontani ay degtay waxyar ka dib markii ay xeebaha ka shiraacatay.

Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay in illaa haatan ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay soo saareen meydka sagaal nin iyo cunug yar.

Shanta qof ee la soo badbaadiyey ayaa saddex ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, iyo laba qof oo u kala dhashay Masar iyo Syria, sida ay Safa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

IOM ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo dib looga celiyey badda.