Norway oo sameysay ballan-qaad culus oo la xiriira wada-hadallada DF iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta Ergeyga Arrimaha wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Norway Ms. Heidi Johansen.

Kulankan oo la sheegay inuu ahaa kulan miro-dhal ayaa waxay uga wad-hadleen labada masuul hanaanka ugu wanaagsan ee xilligaan loo wajihi karo xal u helidda arrimaha Somaliland, xilli la filayo inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaan maanta kullan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wadahadallada iyo dib u heshiisiinta dowladda Norway Ms. Heidi Johansen oo aan ka wadahadalanay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xall u helida Arrimaha Somaliland,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kasoo saaray kulankaan.

Mudane Guuleed ayaa warbixin ka siiyay ergeyga Norway sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardar-gelinta wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland.

Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, iyada oo ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan ka mira-dhalinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.