PUNTLAND oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan…

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan roobab xooggan oo la sheegay inay deegaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin toddobaadka u dambeeya ee bisha April.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay kusoo wajahan yihiin magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo dhulka buuraleyda Calmiskaad.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in roobabku kusoo beegan yihiin deegaanada ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya iyo Badda Cas ee deegaanada maamulka Puntland.

“Wasaaradda garagaarka iyo maaraynta musiibooyinka waxay la wadagaysaa dhamaan shacabka ku dhaqan degaanadda Puntland digniin ku saabsan roobab xoogan oo kuso beegan 24 ilaa 30 April,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland.

Waxay uga digeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay ka fogaadan meelaha biyo mareenka ah miyi iyo magaalaba, si looga fogaado khatarta ka dhalan karta roobabkaas la filayo maalmaha soo socda.”

“Hadaba waxaa bulshada ku dhaqan degaanada Puntland ku wargelinaynaa inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi, magaalo iyo xeebahaba sidoo kale dhamaan dadka degaanada Puntland dagan ayaa laga codsanayaa inay ogaadaan oo ka digtoonaadan khatarta ka dhalan karta roobabkas xooggan oo sii kordhi kara.”

Marka laga imaado digniinta kasoo baxday maamulka Puntland, waxaa cabsida ugu weyn laga dareemayaa magaalada Qardho oo sanadihii u dambeeyay ay waxyeelo weyn kasoo gaareen daadad ka dhashay roobaab mahiigan ah oo halkaasi ka da’ay.

Qardho ayaa ku taalla meel biyo mareen ah, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo gaaray khasaare kala duwan oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyada oo dad badani ay ku cayroobeen, kadib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen.