Golaha wasiirada oo ansixiyey miisaaniyaddii ugu badneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo maanta uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka, taasi oo dhan $918.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd abid ee golaha uu ansixiyo laguna meel-mariyey cod aqlabiyad ah ayaa waxaa dhawaan la horgeyn doona Baarlamaanka cusub, si ay u meel-mariyaan.

Golaha ayaa ka hor inta aysan ansixin warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo asagu shirka maanta horgeeyay Miisaaniyada dowladda.

23-kii March ee sanadkaan 2022-ka ayey aheyd markii Golaha Wasiirada ansixiyeen Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyada sanadkaan la ansixiyay ay ka badan tahay midda sanadkii hore oo aheyd $685 Milyan, waxaana muuqata in lagu guuleystay kordhinta dakhliga dowladda.

Sidoo kale waxaa Shirka Golaha Wasiirada lagu meel-mariyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Mahad Maxamed Salaad, kadib markii uu goluhu warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinada ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, kuna booriyay inay halkaas kasii wadaan.