Sawirro: Golaha Wasiirada oo ka dooday 2 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulankii asbuuc laha ahaa isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia oo ka doodaayay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga, shirkii maalgashiga Soomaaliya ee ka dhacay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dejinta sharciga naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, oo isaga min wasiir ka dhageystay aragtidiisa ku saleysan Qodobada aan kor kusoo xusnay.

Inta uu kulanka socday ayaa waxa ay Golaha Wasiirada warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aadanaa horumarada amniga iyo howlgalada saa’idka ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidanka Qaranku ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ku sugnaa.

Sidoo kale, Guuleed Xuseen Qaasim oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ayaa Golaha Wasiirada warbixin dheer ka siiyay shirkii Maalgashiga ee ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha maalgashiga ee dalka Somalia iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga taageeri karo.

Wasiirku waxa uu xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen qodobada sida weyn looga dooday.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Siyaasada Naafada Qaranka iyo sidii loo heli lahaa sharci dhameystiran oo lagu dabaqo dadka naafada ah, si ay u helaan xaquuqdooda iyo daryeelkooda, waxaana sharcigan soo diyaariyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, iyadoo golaha Wasiiradu ay xuseen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo sharcigan, waxaana dood dheer kadib ay goluhu dib ugu dhigeen kulankooda dambe.
1

2

3
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com