DAGAALKA siyaasadeed ee doorashada 2016-ka iyo qorshihii Nicholas Kay oo shalay la fashiliyey

(Muqdisho Caasimada Online) – Iyadoo aad loo hadal hayo habka iyo hannaanka ay u dhici doonto doorasho sanadka 2016, ayaa waxaa soo xoogeysanaya dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ku meel gaarka. Waxay ahayd usbuucii hore 13 September markii ay ku kala boodeen wadal hadal gundhig u ahaa in laga wada tashto habka iyo hannaanka doorashada ee 2016.

Shalay, September 17, 2015 ayuu Baarlamanka JFS uu ansixiyay qaraar lagu soo magacaabayo golaha nidaamka siyaasadda iyo jiheynta 2016.

Caasimadda Online oo la xiriirtay qaar ka mid ah gar yaqaanada dhanka arrimaha sharciyadda ee la xiriira dastuurka, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadleen waxa la fili karo iyo waxa uu qabo sharciga in ay kala fog yihiin.

Waxaa ay garyaqaanada sheegeen in ay marka hore habboon tahay in la dejiyo sharciyadda doorashada, loona madax bannaaneeyo dejinta iyo qaabeynta habka doorashada ay u dhaceyso golaha Baarlamaanka oo ah

1. Sharci dejiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waa golaha shacabka iyo

2. Baarlamaanka oo ah kuwa metala shacabka loo qabanayo doorashada.

3. In Baarlamaanka uu ku cadaadiyo hay’adda fulinta in si dhaqso ah loo sameeyo maxkamaddii dastuuriga ah.

4. Dowlad Goboleedyada ku meel gaarka ah, marnaba dastuurka uma ogola in ay ka qeyb qaataan ama ka talo bixiyaan doorashada federaalka ah. (Middan oo ay gar yaqaanada ku micneeyeen in aanay weli soo buuxin shuruucdii ay ku noqon lahaayeen dowlad goboleed buuxda oo federaal ah. Iyo iyadoo aanu weli jirin aqalkii sare ee baarlamaanka oo ka iman lahaa gobolada.) Sidaa darteed waa sharci darro & ku xad gudub dastuurka in Galmudug, Jubba, Puntland iyo Koofur Galbeed lagala tashto ama aay wax ka soo xulaan xildhibaanada federaalka ah.

Garyaqaanada ayaa ku micneeyay haddii aanan sidaa wax la dejin in ay markaa dhici karto sidii caadada ahayd, in markale la keeno ROADMAP oo ah ujeedka ugu weyn ee uu ku adkeysanayo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey Nicholas Kay, oo taageero ka heysta wadamada deriska ah oo aanan rabin in Soomaaliya aanay marnaba ka dhicin siyaasad deggen si markaas caalamka loo tuso in Soomaalida aanay is maamuli Karin.

Waxaa ayaan darro ah in madaxda waddanka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha iyo RW, ay caqabad ku yihiin dhismaha maxkmadda dastuurka iyo baasinta sharciga nidaamka xisbiyada badan, oo horseed u noqon doona siyaasad xasilan iyo doorasho xalaal ah. Waxaa iyana jirta in Soomaalida mar walba lagala dagaalo in ay helaan nidaam qayaxan oo ay isku maamulaan.

kayHaddaba, RW iyo madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Bishan 24 ay tagaan magaalada New York halkaas oo uu ka dhici doono shirkii qaramada midoobay iyo shir gaar ah ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha waddama badan. Waxaa amakaag iyo wax lala yaabo ah in Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaarihiisa aay mar qura ka qeyb galaan shirar ka dhacaayo. Haddaba waa maxay ujeedka laga leeyahay oo aay fahmi la’yihiin madaxda?

Waa in caalamka mar walbo la tuso in madaxda dowladdu aanay isku kalsooneyn, taasoo horseed la rabo in looga dhigo sidii waddanka mar kale ROADMAP loogu sameyn lahaa.

Waxaa looga fadhiyaa baarlamaanka in ay qaataan kaalinta kaga aadan samata bixinta qaranka Soomaaliyeed, illeyn waa rajada kaliya ee hadda uu eegayo shacabka Soomaaliyeed.

Koox aqoon yahano ah ayaa bishan September 6, 2015 soo saaray qaraar ay uga digeen in waddanka mar kale la geliyo qal-qal siyaasadeed, iyagoo markaa ku booriyay in baarlamaanka JFS la badbaadiyo si looga hortaga dibindaabyada roadmapka uu wado Nicholas iyo IGAD. Waxaa ay kula taliyeen Baarlabaanka in ay dhameys tiraan sharciyada muhiimka u ah badbaadinta qaranimada iyo jiritaanka ummadda iyo dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo aad ugu dhaw talooyinka aay bixiyeen gar yaqaanada Soomaaliyeed ee u warramay Caasimadda Online.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com