Golaha wasiirada Somalia oo ku soo baraarugay baabuurta xabadda aysan karin ee ku maqan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii shalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirada dowlada Federaalka Somalia ayaa waxaa laga soo jeediyey in gawaari dowlada leedahay ku maqan yihiin gacanta shacabka.

Golaha wasiirada dowlada Federaalka ayaa go’aansadey in guddi ka kooban wasaarada gadiidka cirka iyo dhulka, wasaarada maaliyada, wasarada amniga, xeer ilaaliyaha qaranka iyo hantidhowrka guud soo diyaariyaan habka ugu wanaagsan gawaaridaan dib loogu soo celin lahaa gacanta dowlada.

Laga soo bilaabo markii  Xasan Sheekh Maxamuud loo doortey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa isbeddeley saddex xukuumadood kuwaasoo tirada guud ee wasiirrada, wasiiru dowleyaasha iyo wasiir ku-xigeenada xilalka kasoo qabtey kor  u dhaafeyso labo boqol, in badan oo kamid ah mas’uuliyiintaas waxaa la siiyey gaadiidka aanay xabaddu karin ee bulletproof-ka loo yaqaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com