Golaha wasiirada Somaliland oo kulan deg deg ah yeeshay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta kulan caadi aheyn ka yeeshay ansixinta oddoroska miisaaniyada sanadeedka 2020-ka.

Kulankaasi oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa golaha hor keenay miisaaniyad sanadeedkaasi, kaasi oo cadadkiisu dhanaa 2,751,304,880,098 oo shilin, taasi oo 18% ka badan tahay miisaaniyad sanadeedkii 2019-ka.

Miisaaniyaddan cusub ee golaha la horkeenay ayaa waxay si gaar ah diiradda u saareysay nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa kulankaasi ka soo saartay war-saxaafadeed u dhigna sidan “Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna.

Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa