Xeer ilaaliyihii maxkamadda ciidanka Somaliland oo ku biiray maamulka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii maxkamadda sare ee ciidamada maamulka Somaliland, Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu isaga tegay xilkii uu ka hayey maamulkaasi kuna biiray ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Gaashaanle Dhexe Sahal ayaa sababta uu uga soo baxay Somaliland ku sheegay cadaalad darro ka dhex jirta hay’adaha maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Munaasabad soo dhoweyn ah oo sarkaalkan loogu sameeyey Garoowe ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax war hadal ah oo Somaliland, gaar ahaan saraakiisheeda ay ka soo saareen arrinta xeer ilaaliyaha ka soo goostay.

Ma’ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee ka soo baxa  Somaliland, iyadoo dhowaan  mas’uuliyiin iyo askar ka tirsanaa maamulkaasi oo ku sugnaa degmada Badhan ay isku dhiibeen dhanka Puntland, kadib wadahadal ay la galeen.

Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiisad salka ku heysa maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com