Guddi loo saaray muddo kordhin uu madaxweyne Muuse Biixi dalbaday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha guurtida Somaliland u gudbiyay dalab uu ku rabo in muddo kordhin loo sameeyo Golaha wakiilada Somaliland, ka dib markii ay fashilmatay doorashadii lagu soo dooran lahaa Gole cusub.

Golaha guurtida oo fulinaya dalabkaasi madaxweyne Biixi ayaa maanta Guddi u saaray ka talo bixinta muddo kordhintaasi markale loo sameeynayo golaha wakiilada, oo kuraasta golahaasi ku fadhiya in ka badan hadda 12-sanno.

Guddidan ayaa ka kooban 29-xubnood oo kala ah 25-xildhibaan oo golaha ah iyo Shir guddoonka oo iyaguna ka kooban 3-xubnood oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaanada golaha ayaa saaka loo akhriyay qoraalka uu Madaxweyne Biixi kaga dalbanayey golaha in muddo kordhin loo sameeyo, iyadoona cod lagu meel-mariyay guddigan cusub ee loo saaray inay dalabka Madaxweynaha ka soo talo-bixiyaan.

Guddigan oo muddo uu golahu siiyay inay ka soo talo bixiyaan muddo kordhin kale oo loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland, ayaa u muuqda kuwo dalabka madaxweynaha sii xoojin doona.

Caasimada@live.com