Golihii uu dhisay GAAS oo jab xooggan uu gaaray!!

Dhawaan waxa ay doorasho wajiyo badan lahayd ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadaas waxa ay go’aamineysay mustaqbalka loollan ee saddexda kooxood ee ku hardamaya talada dalka; Nabad iyo Nolol, dowlad Gobollleedyada iyo kooxaha mucaaradka ah.

Kooxahaas midba hadaf gaar ah ayey doorashada ka lahayd, hase ahaatee, maadama aysan gari laba ka wada qoslin waxaa libinta yeeshay Xukumadda talada haysa ee ‘Nabad iyo Nolol’.

Ujeedkii Nabad iyo Nolol

Caadiyan, Xukumadda hadafka ay doorashada Koonfur Galbeed ka lahayd waa mid cad, helidda hoggaan ay isku aragti ka yihiin mamaulka iyo mustaqbalka dalka iyo waliba doorashada soo socota ee 2021.

Maamul Gobolledyada

Walow dhammaantood ay ku wada jiraan, inta badan ol’iole dib u soo noqosho, hadana, Koonfur Galbeed waxa ay u ahayd cabbir “Litmus Paper” ay ku qiimeyn karaan rejadooda soo laabasho.

Waxa ay kula dagaalameen dowladda si ay uga weeciyaan in ay farogaliso oo ay saameyso waxa meesha ka socday ugu yeelato si uusan u soo bixin musharixii ay wateen, yeelkeede, taas waa looga adkaaday.

Kooxaha mucaaradka ah

Wax badan kama aysan aragti duwaneyn hadafkii ay lahaayeen Maamul Gobolleedyada oo ay waxa ay ka ahayd “Cadawgaaga, cadawgiisa waa saaxiibkaa!”

Qudhooda waxa ay wateen sida ay xogo hoose sheegayaan musharax, gaar ahaan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumaraka ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud, balse wey ku hungoobeen.

Iyagu, waxa ay ka cararayeen in Nabad iyo Nolol ku dhaliso goolka kowaad ee doorashada 2021-ka.

YUU SOO GAARAY KHASAARAHA UGU DARAN?

Labada dambe khasaaraha isku si ayuu u sameeyey balse waxaa sii daran Maamul Gobolleedyada oo uu ka bur buray golihii Iskaashiga ee ay dhiseen.

Sidoo kale, waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay hoggaamiyeyaashii hayinka u ahaa Cabdiweli Cali Gaas oo ku soo kaarto baxay balse hadda laftiisa uu xaalku ku xun yahay.

Haddii uu Gaas doorasho galayo, oo aan la hubin soo laabashadiisa, su’aasha ayaa ah halkee ayuu xaalkooda ku dambeyn doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madboobe?

Dad badan ayaa qaba, in sheekadu ku dambeyn doonto, “Ninkii Walaalkii loo xiirayoow, adna soo qoyso!”

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid