Xog: Musharaxa ay UPD ka taageerayaan Puntland iyo xiriir kala dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Roobow

Garoowe (Caasimada Online) – Waqti aad u yar ayaa ka harsan doorashada Madaxtooyada mamaulka Puntland, xilkaas oo ay iu tartamayaan ku dhawaad 30 musharax.

Shaki kama taagna in doorashada Puntland ee sanadka soo socda tahay tii ugu xiisaha badneyd ee abid ka dhacda Maamulkaas iyo guud ahaan maamul goboleedyada Soomaaliya, marka la eego loolanka wajiyada badan ee ka jira una dhexeeya Nabad iyo Nolo, kooxaha ka soo horjeeda, Imaaraadka iyo Qadar oo kala taabacsan.

Waxaa aad loogu jahwareersan yahay musharaxa ay Nabad iyo Nolol la dooneyso xilkaas balse waxaa jira siyaasiyiin dhawr ah oo la tuhmayo sida; Faarax Cali Shire, Jabiye, Asad Diyaano, Saadaq Eenow iyo ENG Camey oo aan wali shaacin musharaxnimadiisa.

Dhinaca kale waxaa jiray shaki laga qabay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay iyaguna gaaal ka riixayaan musharax si uu lafdhuun gashay ugu noqdo Nabad iyo Nolol marka uu soo boxo.

Markii hore waxaa la amainsanaa in mucaaradka uusan jirin mid gaar ah oo ay wataan balse ay dagaal kula gali doonaan dowladda haddii ay sida Koonfur Galbeed shaaciso dhookheeda, hase ahaatee, waxaa hadda Caasimada Online ay u xaqiijiyeen mas’uulin ka kala tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo kooxda ol’olaha Siciid Cabdullahi Deni in uu musharaxaas yahay ninka ay awoodooda isugu geeyeen in uu soo boxo.

Deni markii hore waxaa la aamisanaa in uu dowladda dhineceeda yahay balse waxaa la xaqiijiyey in uu gacan saar la leeyahay Imaaraadka oo uu dagan yahay.

Xiriika ka dhexeeya Deni, Roobow iyo Axmed Madoobe

Sida xafiiska Caasimadda Online ee magaalada Garowe ay xogta ku heleyso waxaa jira sil salad isku xireysay Roobow oo ahaa musharaxii ugu cad caddaa Koonfur Galbeed kahor inta aysan dowladda soo xirin oo uusan doorashada ku guulaysan Lafta-gareen, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe – hoggaamiyaha Jubbland oo ah in saddexda maamulba lagula dagaalamo Nabad iyo Nolol oo hiiliyo Mucaaradka gaar ahaan xisbiga Xassan Shiekh.

Ilo wareedka u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu u sheegay madaxda xisbiga Midowga nabadda iyo Horumarka haddii ay ku guuleystaan doorashada Puntland uu u keeni doono Roobow oo ay saaxiibo yihiin, waa haddii uu ku soo baxo doorashada Koonfur Galbeed, inkastoo markii dambe la xiray Roobow.!

Lama saadaalin karo wax aka soo bixi doona doorashada Puntland maadama Gaas wali ka mid yahay musharixiinta, Cumar Cabdirashiid isa soo sharixi karo iyo Camey oo dhaqaale xoog leh ka helaya Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com