Goodax Barre: Mooshinka madaxweyne Farmaajo, 3 hadaf ayaa laga leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in seddex arin oo mid kamid ah halis ku ah qaranimada Soomaaliya laga leeyahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Goodax ayaa seddexda arin ee ka dambeysay mooshinka wuxuu ku kala sheegay inay kala yihiin:-

1 In xubnaha mooshinka wada ay doonayaan in Xubnihii Ethiopia ka joogay Somalia “Gabre” ay sii joogaan Soomaaliya
2 In Ajaaniib badan ay jaajuusiin u yihiin ayna u shaqeeyaan
3 In Koofur Galbeed iyo Jubbaland la doonayo in laga dhigo Gobol Islamic State ah

Wuxuu sidoo kale seddex qeyb u kala saaray xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xildhibaanada ay ka fiirsadaan mooshinka ay keenayaan.

“Xildhibaanada mooshinka keenay seddex ayay u qeybsamaan, Qeyb Xukun ayaa ka dhuman oo ay daba ordayaan, Qeyb Si toos ah ayay ajaaniibta ugu shaqeeyaan, qeybta kalana waxii qaldanaa inay sii qaldanaadaan ayay rabaan, waxay isku wacdeen seddexdaa qeyb iyagoo ah dantooda iyo inay dadka masabitaan” ayuu yiri xildhibaanka Goodax Barre.

Xiisadda mooshinka ayaa wali taagan, waxaana uu mooshinkaasi saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii hay’adaha  kala duwanaa ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala dageen meel ka baxsan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com