Goodax Barre oo ku dhowaaqay hadal jahwareer gelinaya qorshaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dh.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadii la riday ee Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa wafdi xildhibaanno ah oo iskood u tegay Gobol Hiiraan, kana qeyb galay shir dib u heshiisiin ah oo beelaha gobolkaasi u socday ayaa sheegay in gobolka Hiiraan oo kaliya loo dhisayo maamul goboleed kumeelgaar ah.

Wuxuu sheegay inuu isagu qabo in Gobolka Hiiraan oo kali ah Maamul Goboled loo dhisi karo, kaaso kamid noqonaya Maamulada Dowladda Soomaliya hoos tagaya, wuxuuna dhaliil u soo jeediyay dowladda federaalka iyo qaabka ay u wado dhismaha maamulada dalka.

Wasiirkan hore oo ka mid ahaa wasiiradii ololaha u galay inay ridaan xukuumadii ay ka mid ka ahaayeen ayaa markii balantii siyaasadeed ee kala dhaxeysay madaxweyne Xasan Sheekh loo fulin waayay, laguna soo dari waayay golaha wasiirada cusub wuxuu ka mid noqday xildhibaannada ku kacsan xukuumadda cusub iyo madaxweyne Xasan Sheekh isagoo ujeedkiisu yahay inuu fashiliyo qorshe ay dowladda federaalku ku dooneyso in maamul goboleed kmg ah loogu sameeyo gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe loo sameyn doono maamul KMG ah iyadoo maamulka Gobolka Banaadir ee caasimada ay yeelan doono maqaam gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com