XOG: Itoobiya oo Dekad looga dhisayo degaanka Garacad, Puntland + Qorshaha Gaas ee Dekadda

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo C/weli Gaas ayaa wada qorshe Dekad looga dhisayo Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug, arrintaas oo warar kala duwan la isla dhex marayay degaanada Puntland muddooyinkii ugu danbeeyay iyadoo wararka qaarkood ay sheegayeen in dib u dhis loogu talogalay Dekadda Boosaaso loo wareejiyay dekadda cusub ee Garacad.

Xog ka soo baxeysa dekada dhismaheeda laga abaabulayo Garacad ayaa sheegaya inay tahay Dekad loogu talogalay inay Itoobiya adeegsato mustaqbalka iyadoo C/weli Gaas arrintaas dhowr jeer u tegay Itoobiya inuu ku qanciyo.

Qorshaha Dekadda Garacad ayaa sidoo kale  lagu doonayaa in ciriiri lagu geliyo Dekadda Hobyo ee goboladda Dhexe, taasoo Puntland dagaal adagi kula jirto inuusan maamul goboleed ka dhalan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland C/laahi Jaamac Saalax  oo dhowaan booqday Garacad aya difaacay qorshaha dhismaha dekadda Garacad, laakiin wuxuu  beeniyay wararka rer Puntland isla dhex marayaan ee ah in Madaxweyne Gaas oo gobolkiisa Mudug u wareejiyay mashruucii loogu talogalay balaarinta dekadda Boosaaso, isagoo ku dooday in labada mashruuc ay kala duwan yihiin.

Wasiirka reer Puntland ka sokow difaaca dekadda Garacad wuxuu bannaanka soo dhigay qorshaha laga leeyahay dekadda cusub  ee Garacad laga dhisayo, halkaasoo uu geeyay xubo ka socotay shirkada DP (Dubai Port) oo laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, wuxuuna sheegay in qiimeyn lagu samaynayo suurtagalinimada in degaankaasi laga dhiso deked weyn, oo badeecadaha laga soo dejiyo la geyn doono dalka Itoobiya.

Itoobiya oo aan bad lahayn kadib markii ay ka go’day Ereteriya ayaa ku tiirsan Dekadda Jabuuti, waxay kaloo shixnado kala degtaa dekadda Berbera, waxaana hadda muuqata in maamulada kale ee Soomaalida mid waliba Itoobiya dooneyso inay saameyn ku yeelato iyadoo maamul kasta uu tartan ugu jiro sidii dhulkiisa u adeegsan lahayd Itoobiya.

isha goobjooge