GAAS oo la kulmay xildhibaannada mooshinka!!

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ku dhexmarey marey xarunta madaxtooyada Garoowe madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo xildhibanaada dalbanyey in Barlamanka kalfadhi deg deg ah isugu yimaado ayaa wararka ku dhow sheegayaan inuu kusoo dhamaadey is-afgarad.

Madaxweynaha Puntland ayaa wararkaan xusayaan inuu aqbaley dhamaan wax ka qabashada qodobadii xildhibanadaan ku dalbanayeen in loo baahan yahay kalfadhi degdeg ah oo Barlamanka Puntland isugu yimaado.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalkaan oo muddo badan socdey xildhibaanada kaga hadleen dhibaatooyinka dhaqaale, amni, siyaasad iyo habacsanaan haysata xukuumada Gaas islamarkaana waxey ku goodiyeen in hadaan wax laga qaban arrimhaan ay sii wadi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadiisa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa aqbaley in isbadal degdeg ah uu ku sameeyo golihiisa wasiirada maalmaha soo socda.

Dhinaca kale mudanyaasha ayaa ka dalbadey in madaxweyne Cabdi Weli Cali Gaas in faragalinta xukuumadiisa ka hayso Barlamanka Puntland ka dayso madaama uu yahay aqalka wakiiladu hay’adii soo dooratey golaha fulinta Puntland.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa ku soo dhamaadey in xildhibaanada soo qoraan qoraal ay ku muujinayaan qodobada ay ka dalbanayaan in madaxweynuhu talaabooyin degdeg ah ka qaado maalmaha soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com