Maamulka Puntland oo ka carrooday documents laga baahiyay (Arag oo aqri waxa ku qoran) !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Maxamed Quraan Jecel ayaa si cad u sheegay in aysan jirin kala dirid lagu sameeyey golaha deegaanka Garoowe sidoo kalana la magacaabay Duqa Garoowe, Wuxuu sheegay in laga been abuurtay madaxweynaha si khaldana loo isticmaalay saxiix Foojar ah.

Hadalka ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Quraan Jecel ayaa yimid ka dib markii Digreeto been abuur ah lagu baahiyey mareego dhowr ah iyo baraha bulshada oo lagu sheegay in la kala direy golaha deegaanka Garoowe.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxweyne Gaas uu sheegay in falkan yahay mid aan wanaagsanayn been abuurkana fiicnayn sidoo kalana uu digniin u direy dadka falalkan oo kale ku kacaya.
Been-Abuur
Quraan Jecel wuxuu sheegay in dabagal lagu hayo cida warkan ka dambaysay wuxuuna fariin dabagal ah dhinacooda u diray maamulka Ururka Saxaafada Puntland MAP.

Dhinca kale Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Puntland MAP Faysal Khaliif Barre ayaa eeda dusha kaga tuuray dhamaan Mareegahii daabacay warkan been abuurka ah, wuxuu carabaabay mid ka mid Mareegaha oo uu sheegay in uu daabacay warkan dabagalna ay ku samaynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com