DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo shaacisay arrin mugdi uu ka saarnaa shacabka gobollada dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha  gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ku dhawaaqay goorta kama dambeysta ah ee lasoo xulayo ergooyinka dooranaya madaxda maamulka gobolada dhexe.

Wasiirka wuxuu sheegay in la qeybiyay tirada ergooyinka lasoo xulayo si ay usoo dhisaan maamulka gobolada dhexe ayna usoo doortaan baarlamaankii dooran lahaa madaxweynaha gobolada dhexe.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney dhabar adeeg u muujin doonaan cabashooyinka kala duwan ee kasoo yeeraya beelaha daga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayna qancin doonaan dhamaan dadka cabashada muujinaya.

Beelaha kala duwan ee daga deeganada Mudug iyo Galgaduud ayuu ugu baaqay iney dhankooda dulqaad muujiyaan kana qeyb qaataan dhismaha maamulka iyaga loo sameynayo.

C/raxmaan Odawaa ayaa shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho isaga iyo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com