Xog: Saraakiil dhaliilay Bashiir Goobe & dacwad xasaasi ah oo gaartay madaxweyne Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta DF Somalia ayaa durbadiiba dhaliil usoo jeediyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Asluubta Qaranka Somalia Bashiir Maxamed Jaamac ‘’Bashiir Goobe’’

Saraakiishaani ayaa sheegay in Bashiir Goobe uu horay ugu soo fashilmay Hay’adaha Amaanka Booliska iyo Nabadsugida Qaranka Somalia taasi oo ay ku tilmaamen inaysan waxba ka duwanaan doonin tan iminka loo dhiibay.

Ilo xogagaal ka tirsan Taliska Ciidamada Asluubta ayaa xaqiijiyay in Saraakiishaani oo gaaraya ilaa Afar ay Madaxweyne Xassan u gudbiyeen dacwad iyo talo soo jeedin, waxa ayna ugu digeen in masiirka Somalia lagu raali galiyo shaqsi gaar ah.

Saraakiishaani ayaa Xassan Sheekh ku wargaliyay in hoos u dhaca ku imaan doono Taliska Ciidamada Asluubta aysan mas’uuliyadeeda qaadi doonin bacdamaa ay sheegen in Taliyaha Cusub uusan heer gaarsiin doonin Ciidamada.

Farxaan C/llahi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Asluubta oo ka hadlaayay dareenkiisa ku aadan Taliyaha Cusub ayaa sheegay in dareenkiisu yahay mid aan gaarsiisneyn heerkii uu ka qabay waxa uuna tilmaamay inuu ka dhowr sugaayo qaabka uu howsha u qaban doono Taliye Bashiir, bacdamaa uu sheegay in Bashiir uu horay ula soo dagay Labadii Hay’adood ee uu soo qabtay.

Waxa uu ku taliyay in il gaar ah ay DF Somalia ku eegto qaabka ay u socon doonto Howsha, waxa uuna dhaliil ka muujiyay in DF ay xilalka u magacawdo ragii horay wax muuqda usoo qaban waayay, taasina ay ka dhigan tahay socon weynayee aan orodno.

Dhanka kale, Ciidamada ayuu sheegay inay la gudboontahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, kadibna ay iska soo muuqan doonto qaladaadka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com