XOG: Safiiro ay DFS magacawday oo laba bilood ku xayiran MUQDISHO + Magacyada iyo Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiiro ay dowladda Federaalka Soomaaliya magacawday   horaantii bishii April ee sanadkan  ayaa weli ku guuleysan waayay inay xilalkooda la wareegaan kadib markii dalalkii lagu meeleeyay ay ka gaabiyeen inay aqbalaan, taasoo keentay in inta badan danjireyaashaasi ay iska joogaan magaalada Muqdisho laguna arko iyadoo degan hoteelada caasimada ku yaalla.

Dhowaan ayay ahayd 2-dii April 2015 markii golaha wasiirada ay xilalka ka qaadeen safiiro isla markaana magacaabeen kuwo cusub, magacaabiddan oo madaxweyne Xasan Sheekh soo diyaariyay waxaa lagu magacabay:

Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacabay safiirka Somaliya ee dalka Sacuudiga ayaan weli ku guuleysan inuu xilkaas qabto isagoo dowladda Sacuudiga weli laga sugayo jawaab, halka ay hore u soo baxeen inay aqbashay ayaa haddana joogitaanka safiirka ee Muqdisho waxay dhalisay shaki ku saabsan in Sacuudigu aanu weli aqbalin danjiraha cusub.

Jamaal Maxamed Barrow oo isna dalka K/Afrika loo magacaabay ayaa xaalkiisu fiicneyn isagoo Muqdisho ku sugan isla markaana aanay u suuragelin inuu buuxiyo xilka bannaan ee loo magacaabay,  Jamaal Xasan oo isna lagu bedelay Maxamed Cali America ayaa xaalkiisu la mid yahay saaxiibadii wuxuuna degan yahay hoteelada Muqdisho, waxaana culey kale ka jiraa oon weli xilkeedii ku guuleysan Faaduma Abdullahi Insaaniya oo loogu talogalay inay Soomaaliya safiir uga noqoto Mareykanka iyadoo buuxineysa xilkii uu banneeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Laba bilood ku dhowaad ayay safiiradan magacaaban yihiin iyadoo xilalkoodiina bannaan yihiin, waxaana heysata xaalad ka dhalatay qaabka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u howlgaleyso xilligan iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee wasiirka cusub ee arrimaha dibadda C/raxmaan Hadliye Cumar.

safiiro

isha goobjooge