Maxaa ka cusub khilaafkii xuduudda ee ka dhex aloolsanaa maamulada Mungaab & Shariif Xasan

Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in la dhameeyay murankii dhanka xuduuda ee u dhaxeeyay maamulka gobolkada Banaadir iyo maamulka Koofur Galbeed.

C/qaadir Nadaara oo ah afhayeenka maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in maamulka koofur galbeed iyo dowlada Federaalka kulamo kala duwan ka yeesheen arimaha muranka keenay lana dhameeyay.

Wuxuu sheegay in deegaanada muranka ka dhacay ay ku sugan yihiin iminka ciidamo ka tirsan maamulka koofur galbeed si amaanka deegaankaasi loo xaqiijiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wuxuu afhayeenka ka hadlay safar madaxweynaha koofur galbeed uu maalintii lixaad ku joogo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Degmada ayuu sheegay inuu kula kulmayo waxgaradka degmada iyo maamulka degmada Afgooye si loo dhameeyo cabashooyin dhanka canshuuraha oo ay qabaan shacabka magaalada Afgooye.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in wafdiga ay ku laaban doonaan magaalada Baydhabo, kadibna la gali doono dhismaha baarlamaanka maamulka koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com