Maamulka AXMED Madoobe oo u hanjabay DFS kana dalbaday Jawaari inuu si deg deg ah uga…

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka kumeel gaar ka ah ee Jubbaland ayaa cambaareeyay  mooshin ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ka keeneen maamulkaasi oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo xaqdarro lagu dhisay baarlamaanka Jubba iyo dastuurka iyo heshiiskii Addis abab oo ay jebiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa si caro leh u sheegay inaysan waxba ka jirin eedaynta u jeediyeen maamulkooda qaar kamid ah Baarlamaanka Dowladda federaalka, wuxuuuna amar ku siiyay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu joojiyo mooshinkaasi, isagoo ku eedeeyay xildhibaanada mooshinka wada inay doonayaan qas ay ka dhex abuuraan dadka  Gobolada Jubooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) Wuxuu mar kale ku tuhmay xildhibaanada Muqdisho jooga ee ee mooshinka ka geeyay maamulka Jubba  inay rabaan lacago laaluus ah inay ku qaataan sidii ay ku  Ra’iisul wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed oo kale.

“Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari waxaan ugu baaqayaa inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo mooshinka laga geeyay Jubba, raali gelin halaga bixiyo mooshinka daneystayaasha ay keeneen ee Guddoomiye jawaari yiri waa qeybiyay, waa in degdeg raali gelin laga bixiyo, haddaanu ka bixin waan ka fiirsaneynaa wada shaqeynta aan la leenahay dowladda Federaalka, raali gelin cad ayaan sugeynaa, haddaan laga bixin wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa u sabab ah” ayuu yiri Suldaan Lugadheerre oo caro xoog lihi ka muuqatay.

Mooshinka oo dhowaan loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in doodiisa ay toddobaadkan ka bilaabto baarlamaanka, waxaana jira xildhibaanno badan oo taageersan mooshinka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee kooxda Axmed Madoobe ka hadasho mooshinka ka yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com