Xog: Xildhibaano tegaya Beledweyn + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo odayaal dhaqameed ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah tagaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halkaasi oo xildhibaano kale ku sugan yihiin.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in xildhibaanada iyo waxgaradka ka tagi doonaan magaalada Muqdisho lagana sugayo magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan ayaa cadeeyay in qorshaha xildhibaanada iyo waxgaradka u tagayaan magaalada Beledweyne tahay taageerada shirka ka soconaya magaaladaasi.

Dhawaan xildhibaano uu kamid ah yahay ayaa kasoo laabtay magaalada Beledweyne iyagoo halkaasi kaga qeyb galay shirka hishiisiinta beelaha daga Hiiraan iyo deegaanada ku xeeran.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada tagaan wasiiro ka tirsan xukuumada oo kasoo jeeda Hiiraan, maadaama uu socdo qorshaha loogu gudbayo wajiga labaad shirka ka socda magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com