DHAGEYSO: Xog ka cusub afduubkii CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay halkaasi ka afduubteen labo oday oo halkaasi kaga sugnaa maqaaxi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya ka hor inta uusan dhicin afduubka in agagaarka maqaaxida ay ka maqleen rasaas xoogan waxaana xigay afduubka labada ruux.

Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa is weydinaayo waxa ay ahaayen raga afduubkaasi fuliyay waxa ayna arrintaani cabsi hor leh ku abuurtay dadka deegaanka.

Laakiin Wararkii ugu dambeeyay ee iminka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in lasoo qabtay ruuxii la afduubtay iyo dadkii Afduubkaasi ka dambeeyay, walow wali maamulka uusan ka hadlin.

Madaxweyne ku xigeenka maamulk Ximan iyo Xeeb oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay iney soo badbaadiyeen dadkii la afduubtay ayna baxsadeen dadkii wax afduubay sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com