Xog: Ergada beelaha shirka gobolada dhexe oo la qeybiyay iyo beelo banaanka jooga (Warbixin)

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka laga helayo degmada Cadaado ee loo fadhiyo shirka maamul u sameynta goboladda dhexe ayaa sheegaya in beelaha gobolada dhexe qaarkood loo qoondeeyay ergooyinka shirka uga qeyb galaya tirada ay ka helayaan, halka beelo kale ay gebi ahaan diidan yihiin qaabka shirka loo wado oo ay qaadacsan yihiin shirka.

Guud ahaan ergada ka qeyb galayso shirka ayaa loo qorsheeyay iney gaaraan 356 ergo kuwaasi oo ka kala imaanaya dhamaan beelaha daga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in beesha Habargedir la siiyay ku dhawaad 102 ergo oo kaga qeyb galaya shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaysa in beesha Murursade ay heshay 53 ego oo kaga qeyb galaya shirkaasi, halka beesha Duduble loo qoondeeyay 33 xubnood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in beelaha Dir, Mareexaan, Shiikhaal iyo Waceysle ay diideen shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha gudaha  Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jiro sidii loo qancin lahaa dadka diidan dhismaha shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com