Goodax Barre oo ku haray wareega 1-aad ee kursiga HOP#063 – Yaa gudbay?

Beledweyne (Caasimada Online) – Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#063 ayaa weli ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay ku tartamayaan illaa sagaal musharrax oo uu ku jiro wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre.

Tartanka oo ah mid culus ayaa waxaa lasoo gabagabeeyey wareegii koowaad, iyada oo wareega labaad ay u gudbeen labada musharrax ee ugu codka badan.

Goodax Barre oo helay 10 cod iyo 6 musharrax oo kale ayaa isaga haray tartanka, kadib markii looga adkaaday wareega koowaad oo lagu kala baxay codka ergada.

Labada musharrax ee gudbay ayaa kala ah Daahir Xaaji Aadan  oo helay 32 cod iyo Cabdirisaaq Macalin Ciid oo isna helay 20 cod, kuwaas oo haatan ku loolmaya wareega labaad, iyada oo musharixii guuleysta uu ku biiri doono baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Daahir ayaa sidoo kale la dhashay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, dhanka hooyada, waana musharaxa bixiyey lacagta ugu badan, sida ay ogaatay Caasimada Online, isaga oo qofkiiba siiyey lacag dhan 1500 oo Dollarka Mareykanka ah.

Doorashadan ayaa ka duwan doorashooyinkii hore ee Golaha Shacabka, waxaana tartanka uu yahay mid furan, maadaama ay musharixiin badan ku loolamayaan kursigaasi.

Dhanka kale ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Beledweyne, si loo xaqiijinayo amniga inta ay socoto doorashada.