Taliska booliska oo war kasoo saaray weerarka Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin hordhac ah ka bixiyey weerarka culus ee barqanimadii maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Booliska oo u hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen labo ka mid ah kooxda Al-Shabaab, ayna galeen xero u dhow garoonka.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaasi oo ka yimid dhinaca xerada Mariino Gate.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan uu weli socdo baaritaanka iyo howlgalka, isla-markaana uu faah faahinta dib ka bixin doono.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna dhankeeda shaacisay in haatan ay toogasho ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Weerarkan ayaa dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxa kale oo uu weerar afka ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo shaaciyey inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, kahor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!,” ayuu sii raaciyey.