Goodax oo go’aan ka gaaray waxa laga yeelayo ardayda P/L ee aan gelin Imtixaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa markale ku celiyay inaysan shahaado siineyn ardeyda Puntland, midaasi oo kasii dareysa xiisada.

Wasiir Goodax ayaa ku doodaya in marnaba ay suurto-gal aheyn in shahaado la siiyo ardey aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, taasi oo ka dhigan in Ardeyda Puntland ay gebi ahaanba heli doonin shahaadada dugsiga sarre.

Wuxuuna sheegay in arrinkaasi uu aad uga xunyahay, balse ay tahay nidaam u dagsan wasaaradda, kaasi oo lagu kala saaro ardeyga galay imtixaankaasi iyo kuwa kale ee aan galinba.

Wasiirka ayaa soo jeediyay in aan la siyaasadeyn imtixaanaadka iyo waxbarashada ardeydaasi, kuwaasi oo mustaqbalkooda ku waayi kara danno siyaasadeed oo xiligan taagan.

“Waxaan ku baaqaya in aan la siyaasadeyn imtixaanka iyo waxbarashada Carruurta, aad baa uga xumahay ani iyo wasaaradduba in Ardayda Puntland aysan helin Shahaadada” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in waajib tahay in Puntland ay qaadato buugaagta Manhajka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada bixineyso, taasi meesha ka saareysa isku dhex-yaac dhanka waxbarashada.