Goodax oo ka hadlay arrin ay iska indha sar-caadineyso DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdullahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa sheegay in DF Somalia ay faragalin ba’an ku heyso shirka ka soconaayo Magaalada Cadaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay iska indha tirayaan faragalinta ay ku hayaan shirka, waxa uuna tilmaamay in burburka shirkaasi ay sabab u noqon doonto dowlada, waa haddii uu yiri ay sii wado faragalinta.

Wuxuu tilmaamay in DF ay qaab qaldan ula dhaqmeyso Odayaasha ka qeybgalaaya shirka waxa uuna cadeeyay in meesha ay ka baxday daryeelkii loogu talo galay Ergooyinka shirka.

”DF iyada ayaa qas ku heysa shirka Cadaado, waan la socnaa in la dayacay Ergooyinka, qaarkoodna laga qaaday xubinimada laguna wareejiyay Odayaal kale wax badan oo aan sax ahayn inay meesha ka socdaan waan la soconaa.”

”DF waxa ay ka gaabineysaa mas’uuliyada saaran, faragalinta ay heyso waxaa laga dhexli doona dhibaato ay xal u weyso dowlada, dabcan iyada ayaa mas’uuliyadeeda qaadi doonto“

Hadalka Xildhibaan Goodax ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer oo sii horeysay ay DF Somalia beenisay inay fara-gelin ku hayso bulshada Gobolada Dhexe, iyadoona ku celcelisay inay dusha uun kala socoto shirka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com