Jaaliyadda Bristol UK oo ka tacsiyeysey geeridi Nabadon Shire Dalfac

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Bristol waxay tacsi u dirayaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Nabadoonkii Soomaaliyeed ee Shire Xaaji Dalfac.  Jaaliyadda oo soo saartey qoraal tacsi ah oo uu ku sixiixnaa guddoomiyaha Jaaliyadda Ahmed Hassan Geedoow ayaa u qornaa sidan:- dhammaan xubnahan magacyadooda meesha ku xusan ee kala ah Ahmed hassan geedoow, Ali mahamed heyle Ali Taano, mahamed Siid umar, abdullaali Ibraahin Caseer, Muuse Qaasim goleey, hassan Jimcaale, Abdulqaadir Mooleey, Nuur Ali umar Dubad, abdullaali Muuse Jugwen, barafasoor umar sibriye,Xaaji Mocoow Cumar, Xaaji mahamed Guutaale, Moowliid alasow ismaan,Ahmed abdule limcaale, Abdulqaadir Ahmed Shiikh,  waxeey tacsi tiiraanyoleh udirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday (MRXUUM) (NABADOON SHIRE DALFAC) inuu sabar iyo imaan kasiiyo janadii Fardowso na ilaahey ka waraabiyo.