Dekedda BERBERA oo u gacan gashay ajaaniib

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulk Somaliland ayaa lagu wadaa in Dekedda Berbera ay gacanta u galiso Shirkado cadaan ah oo iyagu ka beecmushtaraayo dekedaasi.

Shirkadaha lagu wareejin doono Dekedaasi ayaa la tilmaamayaa inay gaarayan ilaa Seddex shirkad oo ajaanib ah kuwaasi oo aan muddo loo qaban doonin isticmaalka Dekedaasi.

Mohamed Biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay in Dekedaasi ay ku wareejiso shirkadahaasi.

Waxa uu sheegay in Maamulka uu horyaal Liiska dhowr shirkadood balse ay ka xulan doonaan Shirkadaha ugu habboon in lagu wareejiyo Dekeda, kuwaasi oo aan ka badnaan doonin ilaa Seddex Shirkad.

Waxa uu intaasi ku daray in bilowga sannadka soo socda dhismo lagu kordhin doono Dekedda Berbera, si ay Dekedda u noqoto mid loo adeegsna karo Shixnadaha Transitka ee laga leeyahay dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.

Waxaa iminka heer gabagabo maraayo wada-xaajoodka shirkadahaasi, waxaana lagu wadaa in wakhti dhow ay shirkadahaasi la wareegi doonaan Dekedda.

Dhanka kale, shirkadaha loo badinaayo in lagu wareejiyo Dekedda ayaa waxaa kamid noqon karo shirkado ay kamid yihiin Shirkadda Bollore ee laga leeyahay dalka Faransiiska, Shirkadda Maraakiibta ee Mediterranean ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland iyo Shirkadda Dubai DP ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Xukuamdda Federaalka Somalia Nuur Faarax Xirsi uu ka digay in Maamulka Somaliland ay Dekedda berbera ku wareejiso shirkado ajaanib ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com