Xildhibaanad sheegtay in Xasan Sheekh uusan qaban doonin doorasho xalaal ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo rajo xumi laga muujinaayo dhicitaanka doorasho nin iyo codkiisa, ayaa waxaa si adag arrintaasi uga hadlay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaan Khadiijo ayaa sheegtay in ka shaqsi ahaan aysan aaminsaneyn in Madaxweyne Xassan uu qaban doono doorasho xiligeeda dhacda, waxa ayna tilmaantay inay u muuqaneyso ififaalo muujineysa in muddo kordhin ay dhici doonto.

Waxa ay sheegtay in waqtiga ka haray hiigsiga 2016-ka ay ka dhici karto doorasho xalaal ah, waxaase ay sheegtay in taasi bedalkeeda ay tahay, tallaabo horay loo qaaday dhismaha maamul gobaleedyada wadanka.

Waxa ay soo hadal qaaday dhismaha DF Somalia u sameyneyso Maamulada Gobolada dalka, waxa ayna cadeysay in dhismaha maamulada dalka ay tahay arin aad u wanaagsan, shacabkana looga baahan yahay in ay istaageeraan oo ay dhistaan maamul ay u dhan yihiin, dowladuna ay taageerayso.

Dhismaha Maamulada ayay ku sheegtay inuu meesha ka saarayo caqabadaha ka hor imaan lahaa doorashada dalka, bacdamaa ay tiri doorashada ay si saafi ah uga dhici doonta dalka oo idil.

Dhanka kale, Xildhibaanadu waxa ay rajo xumi ka muujisay muujin la’aanta dadaalada doorashooyinka suuragalin lahaa waxa ayna carabka ku dhufatay in maankeeda uu ka weyn yahay in Somalia xiligaani ay ka dhacdo doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com