Dagaal culus oo xiligaani ka socda Gobolka Galgaduud & Khasaaraha oo faraha ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in deegaano halkaasi hoostaga uu ka socdo Dagaal xoogan oo u dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega.

Dagaalka oo ilaa iyo iminka socda ayaa lagu soo waramayaa in xoogiisa uu ka socdo deegaanka Balli-dhiig ee gobalka Galgaduud, waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro naf iyo maalba leh.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 11 ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 18 isugu jira labada dhinac iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa ka hadlay Maxamuud Dhoore oo kamid ah Nabadoonada Galgaduud, waxa uuna sheegay in dagaalka uu xiligaani socdo.

Waxa uu tilmaamay in Odayaal ay u direen dagaalka si xal looga gaaro balse beelaha dagaalamaaya ay ka biya diiden inay si KMG ah u hakiyaan dagaalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu intaasi kasii badan karo, maadaama ay jiraan dad kale oo meelo kale loo qaaday dhaawacyadooda.

Dagaalka ayaa ah mid socda, mana muuqato rajo ku aadan in dadkaan is dilaya la kala dhex galo, welina si rasmi ah looma xaqiijin waxa uu dagaalkaan ku bilawday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com