Somalia iyo Kuwait oo kawada hadlay arrimo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeysyada kasoo baxa dalka Kuwait, ayaa baahiyay in Dowlada Kuwait ay qorsheyneyso inay gacan ka geysato kaalmaha lagu taabagalinaayo DF Somalia.

Kulan uu albaabada u xirnaa ayaa waxa uu dalka Kuwait ku dhexmaray Wufuud ka socota DF Somalia oo uu horboodaayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, C/salaam Omar Hadliye iyo Ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Alxamad Alsabaax oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsanaa Dowlada Kuwait.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo Kuwait waxa uuna sidoo kale kulankaasi la xiriiray wax wada qabsiga labada dal.

Sidoo kale, kulanka waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Agaasinka Borotokoolka ee Dowladda Kuwait.

Labada dhinac ayaa isla meeldhigay in garab muuqda Somalia laga siiyo dhanka Maaliyada, Siyaasada iyo Amaanka, iyadoona Dowlada Kuwait ay si diiran usoo dhaweysay Codsiyadii ay usoo jeediyeen Xubnaha ka socday DF.

Kulanka gaarka ahaa kadib Wasiir Hadliye iyo Wafdigiisa waxa ay ka qeyb galeen Shirweynaha 42-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Islaamka (OIC), kaasi oo ka furmay caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com