XOG Xasan Sheekh oo Fahad Yaasiin hordhigay 2 Fursad

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo naga soo gaarayo Aqalka dalka looga arimiyo Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Laba fursad hordhigay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Fahad Yaasiin Xaaji Dahir.

Madaxweyne Xassan ayaa Fahad Yaasiin usoo bandhigay laba arrin oo kala ah in loo magacaabo Seddex Safaaradood mid kood, Kuwait, Qadar iyo Dubai, halka fursada labaadna lagu sheegay in loo bandhigay mid kamid ah xubnaha ugu sareeya ee maamulka Villa Somalia.

Fahad Yaasiin oo xiligaani banaan joog ka ah Siyaasada Somalia, ayaa waxaa Villa Somalia ka socdo dadaalo loogu magacaabayo xil kale, bacdamaa Wasaaradii hore ee loo magacaabay uu ka hor istaagay Faarax C/qaadir.

Fahad Yaasiin ayaa kaalimaha koowad uga jiro deeq uruuriyayaasha Ururka Damjadiid, waxa ayna mudooyinkaani dambe Faarax C/qaadir isku khilaafsanaayen Siyaasada Beeshooda.

Lama saadaalinkaro sida uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uga faa’iideysan doono fursadaha xiligaani uu hordhigay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com