Axmed Madoobe “Wey adag tahay inaan hirgalino riyo maalmeedka Shariif Xasan”

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo mudooyinkaani ay soo ifbaxeysay Xurguf Siyaasadeed ka dhex taagan Hogaamiyayaasha Maamulada Jubbaland iyo Koofur galbeed, ayaa waxaa mar kale arrintaasi dhowr jiho uga hadlay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan ka kaftameynin Siyaasadaha gaarka u ah Maamulkiisa, waxa uuna Tilmaamay inay ka go’an tahay inuu kala qaado xiriirka iyo maslaxada Maamulkiiisa.

Waxa uu sheegay in baryahaani dambe ay soo ifbaxayeen Khilaafyo kala dhexeeya Maamulka Koofur galbeed, waxa uuna cadeeyay in taasi uusan u arkin mid shaqaaqo Siyaasadeed ka dhalinkarta isaga iyo xubnaha ku mideysan labadiisa Gole.

Shariif Xassan ayuu sheegay inuu ka jeesanaayo xaqiiqda jirto wuxuuna tilmaamay in Beelaha kasoo jeeda Koofur galbeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland ay helaan xubinimada Baarlamaanka tiro ka badan kan lasiiyay beelaha kale.

”Maamulku cid gaar ah uma roonaan balse waxaan wax ku qeybinay nidaamka sahlaaya kala badnaanshaha beelaha ku dhaqan deegaanada Maamulka dadka kasoo jeeda Koofur galbeed ma suuragali karto inay la sinaadan kuwa deegaanka saxda ku ah Kismaayo intii ay xaqa u lahaayen waan siinay”

”Shariif Xassan wuu qaldan yahay anigu oran maayo balse waxaan leeyahay Shariif xasanoow waad riyooneysaa ee xaqiiqda dib ugu laabo”

Hadalka Axmed Madoobe ayaa muujinaayo heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka kala dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka Koofur galbeed.

DF Somalia ayaa ku gacanseertay isku soo dhaweynta labada Hogaamiye oo ku kala tagay in tiro kordhin dhanka Baarlamaanka Jubba loo sameeyo Beelaha kasoo jeeda Koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com