XOG Dagaalka Marka & kaalinta Shariif Xasan Sheikh Aadan

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad coolaadeed laga dareemayo magaalada Marko ee xarunta u ah gobolka Shabeelaha Hoose, taasi oo u dhaxeeyo maleeshiyaad wada dega degmadaasi.

Dagaalkaasi ayaa xogta dhabta ah oo aan helnay waxay sheegeysaa inuu u dhaxeeyaa maleeshiyaad kasoo wada jeeda beesha Biyo-maal kuwaasi oo isku heysta xilka gudoomiyaha degmada Marko.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in dagaalka uu bilowday kadib markii Shariif Xasan Sheikh Aadan uu gudoomiye cusub u magacaabay degmada Marko, iyadoo aan la badalin gudoomiyihii hore.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad hal beel kasoo wada jeedo oo isku heysta xilka gudoomiyaha degmada Marko.

Gudoomiyaha degmada Marko Maxamed Yariisow, ayaa la sheegayaa in isaga uu raali ka yahay gudoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay, laakiin lafta uu kasoo jeedo ay arintaasi diidan tahay, sida xogta aan ku heleyno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com