XOG Axmed Madoobe oo wado qorsho aan u cuntami doonin BF

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyada Maamulka KMG Jubba ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulkaasi uu wado qorsho lagu kulansiinaayo Xubno ka tirsan BF iyo kan Jubba.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in qorshahaani uu yahay mid uu ka dambeeyay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana arrintaasi ku raacay Hogaamiyaha Jubba.

Axmed Madoobe ayaa la tilmaamayaa in Magaalada Muqdisho uu soo gaari doono isaga iyo xubno ka tirsan Baarlamaankiisa, iyadoona Ujeedka uu yahay kulan gaar ah oo ay wada qaatan labada Baarlamaan.

Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba ayaa iyagu wali ku adkeysanaayo inaysan ka jeesan doonin Mooshinka ay wadaan.

Ma jiraan ilaa iyo iminka wax go’aan ah oo laga gaaray Khilaafka iyo Mooshinka taagan, waxaana laga cabsi qabaa in kulanka soo socda Mooshinkaasi halkiisa kasii socon doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com