Shaki laga muujiyay dhicida doorasho xalaal ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka Siyaasada ehelka u ah ayaa siyaabo kala duwan uga faaloonayo qaabka ay u dhici karto Doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Sida uu qorshuhu yahay Bisha September ee sanadka 2016 waxaa lagu wadaa in dalka Somalia ay ka dhacdo doorasho ka duwan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray.

Barnaamijka Hiigsiga 2016 wuxuu dhigayaa in sanadka 2016 ay Somalia si cadaalad ah uga dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah hase ahaatee waxaa hadana muuqata in arintaas ay tahay mid aad uga fog xaqiiqda ka jirta dalka Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid waxa ay dhowr jeer oo sii horeysay ku celceliyeen in sanadka 2016 dalka ka dhici doonto doorasho balse waxa ay ka meer-meeresteen inay cadeeyaan qaabka ay noqon karto doorashadaasi.

Maxamed Nuur C/llahi oo kamid ah dadka ka faalooda arrimaha Somalia, ayaa sheegay in xaqiiqda ay ka fogtay in Somalia ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkiisa, waxa uuna carabaabar in dadaalada ay ku dhici laheyd doorashada aysan muuqan.

Waxa uu meesha kasaaray suuragalnimada damaca Siyaasadeed ee Madaxweyne Xassa, Cumar C/rashiid iyo Beesha Caalamka ee ah in Somalia xiligeeda ay ka dhacdo doorasho nadiif ah.

Suleymaan Mohamed oo isna kamid ah dadka falanqeeya Siyaasada ayaa rajo xumi ka muujiyay in 2016-ka Somalia ay ka dhacdo doorasho, wuxuuna tilmaamay in ugu yaraan Madaxweyne Xassan xilkiisa ku darsan doono muddo hal sano ah.
Waxa uu is barbar dhigay Mudada kooban ee ka harsan Doorashada iyo qaabka ay DF Somalia u dayaceyso wakhtiga harsan.

Si kastaba ha ahaatee, Beesha Caalamka ayaa iyana rajo xumi ka muujisay xaqiiqda kajirta Somalia waxayna xooga saarayaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa Dowlada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com