“Gaalkacyo Waa ciida Puntland, Weerar kastana Dagaal ayaan ugu diyaar nahay”waxaa yiri

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa jawaab adag siiyay Garaad kamid ah waxgaradka deegaanada Khaatuma oo dhawaan sheegay in shirka magaalada Gaalkacyo uu yahay mid lagu burburinayo maamulka Khaatuma.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirka magaalada Gaalkacyo uu yahay mid looga tashanayo aayaha deegaanada maamulka Puntland oo uusan aheyn mid duminaya dad kale, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan dulmineynin deegaanada ku xeeran, laakiin uu yahay mid looga tashanayo aayaha deegaanada Puntland, sida uu sheegay Mr Gaas.

C/welli Gaas ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay kamid ah ciidda Puntland ayna u qul qaadan doonin cid kasta oo isku dayda iney carqaladeyso shirka ka furmaya magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney dagaal isaga filan yihiin cid kasta oo isku dayda weerar ku qaada magaalada Gaalkacyo.

“Gaalkacyo waa ciidda Puntland, cid aan kaga baqeyno inaan ka difaacano ma jirto, daagaalna diyaar ayaan u nahay, annagana cid aan duulaan ku nahay ma jirto”ayuu yiri C/welli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com