Dhaqaale culus oo loogu yaboohay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergada Midowga Yurub ee Somalia waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo qaaraankeeda ugu horeyey ee dhan 5ta milyan yuro (una dhiganta $ 6.2 million) ee sanduuqa Xasilinta soomaaliya.

Qaarankaani waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero DF Somalia iyo maamul goboleedya si dib loogu dhiso maamul deegaaneedka, kaabayaasha iyo nolosha degmooyinka ee dhawaanta galaangalka loo helay ee Koofunta iyo Bartamaha Somalia.

Michele Cervone d’Urso, Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Somalia wuxuu yiri: “Dowlad deegaaneedka iyo soo kabashada dhaqan-dhaqaale waxay fura u yihiin in la gaaro nabad iyo xasiloonida Somalia.

Iskaashiga Somalia iyo Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya wuxuu muhim u yahay u horseedida ujeedadan loo dhan yahay.

Wax galka dadaalada wada jirka ah waxay ku xiran yihiin jawiga iskaashi ee lagu fulinaayo. Waan tani sababta runta ah ee in iskaashi lala yeesho ka qayb galayaal kale oo muhim ah sida AMISOM, IGAD iyo UN-ka ay laga mamaarmaan u tahay in la najaxaa.”

Qaaraanka Midowga Yurub wuxuu taageerayaa howlaha nabad-dhisidda iyo xasilinta ee maamulada KMG ah ee ka dhalanaya Somalia sida maamulka Ku-meel Gaarka ah ee Jubba, Maamulka Ku-meel Garka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Ku-meel Gaarka Gobaladda Dhexe ee la rajeynayo.

Sida saxda ah ee loo isticmaalayo lacagta waxaa lala go’aaminayaa Bulshooyinka iyo maamuladda ay khuseyso laakin waxayna u badan tahay in ay ku jiraan dayactirka wadooyinka, garoomada, goobaha biyaha iyo suuqyada, dhisidda dhismooyinka dowladda iyo hay’adaha oo ay ku jiraan maamulka maaliyadda dowladda iyo maamul u samaynta iyo howlaha dib-u-heshiisiinta.

Midowga Yurub waa jaalka ugu weyn Somalia xagga horumarinta waana deeq-bixiya weyn ee Soomaaliya, in ka badan kala bar kaalmada guud ee Midowga Yurub waxay ku wajahan tahay gar-gaarka horumarineed siiba dowladnimada, wax-barashda iyo horumarinta dhaqaale.

Asagoo adeegsanaya tabahiisa kala duwan ayuu Midowga Yurub uu si aad ah ugu howlan yahay xagga diblomaasiyada iyo taageerida geedi-socodka siyaasadeed, taagyeerida nabadgelyada, kaalmada horumarinta iyo gar-gaarka bani’aadinimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com