Kulan dhex maray Axmed Madoobe iyo Danjiraha Sweden

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa Madaxtooyada Maamulkaasi ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Somalia Mr Mikael Lindvall.

Kulanka labada Mas’uul ayaa ahaa mid ku qotomay dhinacyada Horumarka, Amaanka, Siyaasada iyo Taabagalinta baahiyaha maamulka.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa si qoto dheer baahiyaha Maamulka KMG Jubba uga hadlay Hogaamiyaha Maamulka oo isagoo Danjiraha ka dalbaday in Dowlada Swedan ay il gaar ah ku eegto amaanka iyo xasiloonida deegaanada uu Maamulka ka arimiyo.

Mr Mikael Lindvall, ayaa ballan qaaday inuu fulin doono inta karaankiisa ah, waxaana lagu wadaa in maanta uu la kulmo Xubnaha ka kala tirsan labada gole ee xukuumada iyo baarlamaanka Jubba.

Danjire Linvall ayaa noqonaya danjirihii u horeeyay ee safiirada ree galbeedka ee habeen ku hoyda koonfurta Somalia meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com